Friday, June 25, 2010

Mid ka mid ah Idacadaha Puntland oo albabada loo laabay.

Digreeto ka soo baxday Wasaaradda warfaafinta Isgaadhsiinta hidaha iyo dhaqanka Dawladda Puntland ayaa shaqada lagaga joojiyey idaacadda Daljir oo ka mid ah idaacadda maxaliga ah ee ka hawlgala deeganada Puntland.


Nuqul ka mid ah digreetada qoraalka ah ee wasaaradda warfaafinta ka soo baxay ayaa soo gaadhay xafiiska markacadey.net ee puntland
wuxuuna u qornaa sidatan:

Ku: Idaacadda Daljir Fadhigooda
Ku: Taliyaha ciidanka Bilayska Garoowe
Og: Wasaaradda Amniga & DDR
Og:Madaxtooyada Dawladda Puntland


Ujeedo: Joojin Idaacadeed
Waxaa Lagu Wargelinayaa dhamaan hey’adaha ku shaqada leh amniga Dawladda Puntlan in Shaqada Laga joojiyey Idaacadda Daljir meel kasta oo ay ka hawlgasho geyiga dawladda Puntland.

Haddaba Laga bilaabo maanta oo ay Taariikhdu tahay 24 June 2010 waxaa si rasmi ah loo joojiyey dhamaan wixii warbaahin ahayd ee ay Idaacadda Daljir ka wadey Gobollada Puntland.

Wada Shaqayn Wacan
Waxaa Ku Saxeexann Wasiir Ku Xigeenka Wasaaradda Isgaadhsiinta,Hiddaha iyo Dhaqanka Dawladda Puntland
C/Qani Salaad Gurey

majiiraan wax war ah oo ka soo baxay maamulka idaacadasi hasa ahaate idaacada ayaa lagu eedeyay in ay ku kacday falal lidi ku ah dowlada puntlan iyadoo ay idaacadu buunbuunin jirtay maleeshiyaad dhibaatoyin u badan tacadiyo ka gaysan jiray deegano hoostaga dagmada buuhodle

Sidoo Kele inta aysan wareegatdani soo baxin wasaarada warfaafinta waxaa ka horeeyey war qoraala oo ka koobnaa 12 qodob kuna saabsana sida warbaahinta deegaanada Puntland ay u ilaalin lahayd sharciga dalka, diinta iyo qanuunka Saxaafadda.

0 comments:

Post a Comment

Fadlan Aragtidaada Halkan ku Qor

Dalkayaga News