Contact Form

Name

Email *

Message *

Wednesday, June 2, 2010

Maxkamadda Sare ee USA oo ogolaatay dacwad ku soo oogida Jen.Samatar.


Maxkamadda ugu sareysa garsoorka dalka Mareykanka ayaa qaadatay Go’aan ah in Jeneral Maxa’ed Cali Samatar uusan xaq u laheyn in laga cafiyo dambi walba oo uu hore u galay, islamarkaana ay soo dacweeyn karto cid walba oo sheeganeysa in dambi shaqsiyadeed uu hore uga galay.

Maxkamadda ayaa ku gacan seyrtay codsi ay soo jeediyeen sharci yaqaano u doodayay Jeneral Samatar oo ku andacoonayay in ninkaasi uu magan galyo siyaasadeed ku joogo Mareykanka, sidaa daraadeedna aan dacwad lagu soo oogi Karin.

Maxkamadda ayaa ogolaatay in lasii wado dacwadaha shakhsiyadeed ee ka dhanka ah Jeneraal Samatar, balse arinta laga ilaaliyo dambi ku lug leh ha’ado dowladeed ama dowladii militariga guud ahaan, taasi oo micnaheedu uu yahay in aan loo qaban karin dambi si guud ay u gashay dowaldii militariga ee uu hogaaminayay marxuumkii geeriyooday Jeneraal Maxa’ed Siyaad Barre.

Sidoo kale qareenada u doodaya Samatar ayaa ka digay waxa ka dhalan kara go’aanka kasoo baxay maxkamadda sare ee dalka Mareykanka, taasi oo irid cusub u fureysa in dacwado lagu soo oogo hogaamiyayaal badan oo hore wadamo afrikaan ah madax uga soo noqday.

Dacwadaha loo heysto Jeneral Maxa’ed Cali samatar ayaa waxaa kamid ah in uu bixiyay amaro lagu laayay boqolaal qof oo soomaali ah kuwaasi oo ay qudha ka jareen ciidamadii militariga Soomaaliya intii uu socday dagaalkii u dhexeeyay jabhadii SNM ee ka dagaalameysay gobolada waqooyi ee Soomaaliya iyo dowladii militariga oo uu Samatar madaxweyne ku xigeen ka ahaa.

Dalkayaga@gmail.com

0 comments:

Post a Comment

Fadlan Aragtidaada Halkan ku Qor

Dalkayaga News