Friday, June 11, 2010

Markab wata calanka Britain oo la sii daayay.

Koox burcad badeed Soomaali ah ayaa sii daayay markab wata calanka wadanka Britain oo ay afduubteen bishii janaayo ee sanadkan sida ay maanta shaacisay wasaaradda arimaha dibadda ee wadanka Bulgaariya.
War ka soo baxay wasaaradaasi ayaa lagu sheegay in markabkaasi oo ay la socdeen sideed badmaax oo u dhashay wadanka Bulgaariya la sii daayay
maanta isla markaana uu ku sii socdo dalka Cuman
Wasaaradda arimaha dibadda iyo shirkadii markabka lahayd ayaa ka gaabsaday inay ka hadlaan hadii uu jiro madax furasho ay bixiyeeen iyo in kale.
Shirkadda lahayd markabka ayaa sheegtay inay dhamaan bad qabaan badmaaxyadii saarnaa markabkaasi, waxayna ka gaabsadeen inay faahfaahin intaa dheer bixiyaan.
Tirada guud ee badmaax ee la socotay markabkaasi ayaa lagu sheegay 25 baadmaax kuwaasoo toban kamida ay u dhasheen wadanka Ukrain,sideed u dhalatay Bulgeeriya,shan u dhalatay India iyo labo u dhalatay Romania.
Markabkan ayaa laga afduubtay bishii janaayo ee sanadkan qiyaastii masaafo gaaraysa 600 oo mile meel ka baxsan xeebaha Soomaaliya.
Kooxaha burcad badeedda Soomaalida ayaa waxaa sanad walba malaayiin doollar ka soo gashaa maraakiibta iyo doonyaha ay afduubtaan ee ay ka qaataan madax furshada.

Dalkayaga@gmail.com

0 comments:

Post a Comment

Fadlan Aragtidaada Halkan ku Qor

Dalkayaga News