Friday, June 25, 2010

Madaxweyne Rayaale oo ka hadlay is casilaadii wasiirada


Madaxweynaha jamhuuriyadda la magac baxday Somaliland Daahir Rayaale Kaahin ayaa sheegay in aysan waxba u dhimeynin xisbigiisa is casilaadii ay ku dhawaaqeen laba kamida golihiisa wasiirada.

Madaxweynaha oo u waramayay BBC-da ayaa iska fogeeyay eedeyn ay u jeediyeen xubnahaasi is casilay oo ku eedeyay madaxweyne Rayaale in uu ka gaabiyay ololaha doorashada, isagoo sheegay in is casilaadooda ay ceeb ku tahay shaqsiyadooda bacdamaa ay xilikii ka tageen iyadoo doorasahada madaxyinimada maamulkaasi ay ka harsantahay laba maalin.
Daahir Rayaale Kahin ayaa ku eedeeyay qaar kamida ganacsatada Somaliland in ay lacago ku bixiyaan is casilaada qaar kamida xubnaha xisbiga UDUB si look ala fur furo xukumada hadda jirta iyo xisbigiisa.
Hadalka madaxweynaha ayaa kusoo beegmaya xili ay xisbiga UDUB isaga tagayaan tobonaan qof iyadoo doorashada madaxtinimada maamulkaasina ay ka harsantahay maalin qura.

Dalkayaga@gmail.com

0 comments:

Post a Comment

Fadlan Aragtidaada Halkan ku Qor

Dalkayaga News