Monday, June 21, 2010

Madaxweyne Kuxigeenka Puntland Iyo Wefdi Uu Hogaaminaayo Oo Gaarey Gaalkacyo

Wefdi uu hogaaminaayo Madaxweyne kuxigeenka Dowladda Puntland Jenraal Cabdisamad Cali Shire ayaa gaaray magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug.


Madaxweynaha ayaa barqadnimada maanta kasoo ambabaxay magaalada Garoowe ee caasimada Puntland,waxaana goor dhow oo galabta ay gaareen magaalada Gaalkacyo halkaas oo lagu soo dhoweeyey.

Xubnaha Wefdiga ku weheliya Madaxweyne kuxigeenka waxaa ka mid ah Wasiirka amniga Puntland Jenraal Yuusuf Axmed Kheyr,Wasiirka Kaluumaysiga iyo Kheyraadka Badda Puntland Maxamed Faarax Aadan,Agaasimaha Madaxtooyada Puntland Cali Jaamac iyo xubno kale.

Maamulka gobolka Mudug iyo kan degmada ee Gaalkacyo ayaa wefdiga halkaas kusoo dhoweeyey,waxaana ay qaateen kulan gaar ah.

Wefdiga Madaxweyne kuxigeenka ayaa lagu wada in ay dhowaan u duulan dalkaas Itoobiya,halkaas oo masuuliyinta wadankaas kala hadli doonaan shaqaaqadii dhowaan ka dhacdey degmada Buuhoodle ee xarunta gobolka Ceyn iyo Ciidamo Itoobiyaan ah
.
Source: Horseed Media

0 comments:

Post a Comment

Fadlan Aragtidaada Halkan ku Qor

Dalkayaga News