Contact Form

Name

Email *

Message *

Monday, June 7, 2010

Madaxweyne Faroole oo weeraray SSC.


Madaxweynaha Maamul goboleedka Puntland C/raxman Sheekh Maxamuud Faroole oo ka warbixinayay waxyaabihii uga soo qabsoomay safaro uu dibada ku tagay iyo xaalada maanta ay Puntland marayso ayaa si adag u weeraray SSC
uu sheegay inay qas ka wado gobolada sool iyo Sanaag isagoo sheegay in maamulkiisa loo gacan dhaafay arimaha muranka dhuleed ah ee kala dhexeeya dawladda la magac baxday Somaliland.
Madaxweyne Faroole ayaa sheegay inuusan maamulkiisu ogalaan doonin cid u dhaxaysa iyaga iyo Somaliland waxaana intaas uu raaciyay in xukuumadiisu ay wado qorshihii lagu xalin lahaa rabshadaha ka jira goboladaasi isla markaana gacanta Puntland loogu soo celin lahaa magaalooyinka ka maqan sida Laasa caanood.
Madaxweyne Faroole ayaa u mahad celiyay odayaasha Degmada Buuhoodle oo uu ku amaanay inay qaateen go,aan geesinimo leh.

Dalkayaga@gmail.com


0 comments:

Post a Comment

Fadlan Aragtidaada Halkan ku Qor

Dalkayaga News