Contact Form

Name

Email *

Message *

Friday, June 11, 2010

Kynaan oo kor u qaaday Calanka Soomaaliyeed ka dib heeso uu ka qaaday furitaanka ciyaaraha Aduunka.

Munaasab ballaaran oo qeyb ka ah xafladaha lagu maamuusayo ciyaaraha aduunka ee maanta ka furmaya dalka Koofur Afrika oo ay ka qeyb galeen Soomaali badan ayaa xalay lagu qabtay dalka South Afrika.


Xaflad ballaaran oo xalay ka dhacday halkaasi ayaa waxaa ka qeyb galay Soomaalida ku nool Koofur Afrika ka sokoow Fanaan Soomaaliyeed oo lagu magacaabo Keynaan, kaas oo madasha ka qaaday Hees aad u soo jiidatay dhamaan ka qeyb galayaashii xafladda.

Keynaan ayaa kor u qaadyay Calanka Jamhuuriyadda Soomaaliyeed isagoo qaaday mid ka mid ah heesaha sanadkaan loogugu talo galay in lagu furo koobka kubadda cagta Aduunka.

Daawadayaashii ayaa si weyn u xasuustay jinsiyadda fanaanka iyo dareenka waddaninimo eek u jira Fanaanka Soomaaliyeed ee Keynaan, waxaana goobta ku sugnaa Soomaali badan oo ayana watay calanka Soomaaliya.

Madax caan ah oo uu ku jiro madaxweynihii Hore ee Koofur Afrika Nelson Mandela ayaa ka soo qeyb gashay munaasabaddaasi oo ay ka heesayeen fanaaniin badan oo caalamka caan ka ah.

Dalkayaga@gmail.com

0 comments:

Post a Comment

Fadlan Aragtidaada Halkan ku Qor

Dalkayaga News