Friday, June 11, 2010

Koobka aduunka oo bilowday, Koofur Afrika 1-1 Mexico, Faransiiska 0-0 Uruguay.


Waxa durbo maanta bilowdey koobka kubadda cagta ee aduunka 2010, wuxuna ka furmay dalka Koofur Afrika iyadoo kulankii furitaanka uu dhex maray xulalka Koofur Africa iyo Mexico oo kus oo dhamaaday bar-bar dhac 1-1 ah.
Koofur Afrika oo dad badan saadaalinayeen in laga badin doono maanta kulanka hore isla markaana aysan rajo wanaagsan ka qabin kasoo bixitaanka guruubka oo ay kuwada jiraan xulalka Faransiiska iyo Uruguay ayaa u muujiyey sida ay diyaarka ugu yihiin daafaca dalkooda ayna u hurayaan awoodooda intii ay kari-karaan.
Si kastaba ha ahaatee, Waxa iyaduna kulan adag dhex maray Cawa Xulalka Faransiiska Iyo Uruguay, kuwaas oo iyaguna isla dhaafi waayay bar-bar dhac, 0-0.

Dalkayaga@gmail.com

0 comments:

Post a Comment

Fadlan Aragtidaada Halkan ku Qor

Dalkayaga News