Wednesday, June 23, 2010

Jifo ka tirsan beesha Sade oo hub iyo ciidan ku wareejisay Ahlusunna-waljameeca

Xaflad si heer sare ah loo soo agaasimay oo maanta ka dhacday deegaanka Bangale oo 18-kiiloomitir dhanka koonfureed kaga began degmada Caabud-waaq oo ay degto beesha Ree siyaad Xuseen oo kamida jufo hoosaadyada beesha Sade (Mareexaan) ayaa culumaa’udiinka Ahlusunna waljameeca loogu wareejiyay hub iyo ciidan ay laheyd beeshaasi.


Xafladda ayaa waxaa goob joog ka ahaa gudomiyaha golaha fulinta Ahlusunna-waljameeca Sheekh Maxa’ed Yuusuf xeefoow, xoghayaha gaashaandhigga Ahlusunna saadaq sheikh yuusuf, taliyaha cusub ee loo magacaabay ciidamada culumaa’udiinka Ahlusunna iyo odeyaal ka tirsan beesha hubka wareejisay.

Nabad doon Cali Saafi cabdulle Cunfe oo u hadlay beesha maanta hubka warejisay ayaa sheegay in culimada Ahlusunna-waljameeca ay ku wareejiyeen sedex taangi, laba teedhi seven, hal taw, hal jiib, hal biiteem laba iskaa foodhi tirii iyo ciidamo ay beeshu ugu talo gashay in ay la dagaal galaan ciidamada Ahlusunna-waljameeca.

Gudoomiyaha golaha fulinta culumaa’udiinka Ahlusunna-walajameeca oo goobta hub wareejintu ay ka dhacday ka hadlay ayaa u mahad celiyay beesha ree Siyaad Xuseen isagoo beelaha kalena ka rajeeyay in sidan oo kale ay hubkooda ku wareejin doonaan Ahlusunna-waljameeca.

Hubkan maanta lagu wareejiyay culumaa’udiinka Ahlusunna-waljameca ayaa noqonaya hubkii ugu cuslaa oo beel qura ay ku wareejiso Ahlusunna-waljameeca.

Dalkayaga@gmail.com



0 comments:

Post a Comment

Fadlan Aragtidaada Halkan ku Qor

Dalkayaga News