Thursday, June 17, 2010

HRW oo ku eedaysay booliska Kenya inay tacadiyo kula kacaan qaxootiga soomaalida ah.


Ciidamada booliska wadanka Kenya ayaa xadgudubyo kula kaca Soomaalida qaxootiga ah ee ka gudba xadkeeda ee ku wajahan xerayaha qaxootiga ee ku yaala gobolka waqooyi bari sida ay sheegtay hay,ada xuquuqda aadamaha ee Human Rights Watch.


Booliska ayaa garaaca qaxootiga si ay aakhirka lacago uga qaadaan ayay tiri hay,ada HRW.
Booliska dalka Kenya ayaa beeniyay inay gaystaan xadgudubyadaasi ay kula kacaan Soomaalida wadankeeda ka qaxaysa ee gaaraysa xeryaha qaxootiga ee dalka Kenya.


Tan iyo sanadii 2007 dagaalada Soomaaliya waxaa ku dhintay 21,000 iyadoo ay ku barakaceen 1.5 million. In kabadan 500,000 oo Somali ah ayaa ka gudbay xadka iyagoo doonaya inay gaaraan dalalka dariska ah. Intooda badan ayaa rajaynayay inay gaaraan xerayaha qaxootiga ee Dhadhaab ee ku yaala gobolka waqooyi bari ee wadanka Kenya.


Laakiin sida laga soo xigtay warbixin ay hay,ada Human Rights Watch maanta oo khamiisa soo saartay Soomaalida doonaysa inay badbaadaan waa inay iska afgartaan booliska Kenya.


“Dadka ka qaxaya dalka ay dagaaladu ay halakeeyeen ee Soomaaliya,intooda badan waa caruur iyo haween waxaana lagu soo dhaweeyaa Kenya kufsi, garaacid, xarig, iyo caga juglayn” sidaana waxaa yiri Gerry Simpson oo ah cilmi baare ka tirsan hay,ada HRW isla markaana warbixintan wax ka qoray.


Soomaalida ka tagaysa wadankooda ee qaxootinimada u galaya wadanka Kenya ayaa sanado badan la kulmayay xadgudubyo ka dhana bini,aadamka kuwaas oo ay kula kacaan ciidamada wadanka Kenya.


Dalkayaga@gmail.com

0 comments:

Post a Comment

Fadlan Aragtidaada Halkan ku Qor

Dalkayaga News