Tuesday, June 22, 2010

Howlgalo aan caadi ahaayn oo laga sameeyey Punland.

Ciidanka amniga Magaalada Garowe ayaa habeenkii xalay ahaa howlgalo aan caadi ahayn ka fuliyay Xaafadaha Magaalada Garowe kaa oo ay ku bar tilmaamsanayeen kooxa dhalin yar ah oo xiliyada habenkiiya marka la gaaro falala amniga wax u dhimaya ku kaca.

Howlgaladaa ayaa si xowli ah uga socday Xaafadaha kala duwan ee Magaalada waxaana intabadan howlgalku ahaa mid si wayn looga dareemayay caasimada Puntland ee Garowe oo ka kooban 8 Xafadood.


Ciidanka booliiska oo waTa gawaarida xaajiyadaha booliiska lugu yaqaano ayaa gaaf waregayxaaafadaha Magaalada waxa ayna sidoo kale gawaarida ka fiiqayeen muraayadaha baynsalka ah oo dhoor jeer Mamulka Gobalka uu k a digay.

Howlgalkaa ayaa sarakiisha amniga oo aan xariiro la samaynay ku sheegeen in uu ahaa mid la doonayayin looga hortago kooxa dhalin yara ah oo falal amniga wax u dhimaya ku kacay habeenadii la soo dhaafay.

Wxa uuna howlgalkaa uu ku soo aaday xili Maalintii shalay Xubin ka tirsan Golaha wakiilada Puntland ku baaqday in la adkeeyo amniga Hoteelada ku yaala Puntland.

Dalkayaga@gmail.com

0 comments:

Post a Comment

Fadlan Aragtidaada Halkan ku Qor

Dalkayaga News