Contact Form

Name

Email *

Message *

Thursday, June 17, 2010

Gudoomiyaha golaha talada Ahlusunna oo sheegay in go’aan siyaasi ah ay ka qaadan doonaan heshiiska dowladda


Gudoomiyaha golaha talada culumaa’udiinka Ahlusunna-waljameeca Sheekh Cumar C/qaadir Aadan oo lasoo xiriiray idaacadda Hornafrik ayaa sheegay in dowladda KMG ah ay ka gaabisay doorkii ay ku laheyd dhaqan galinta heshiiskii labada dhinac ku dhex maray magaalada Adis ababa ee dalka Itoobiya, islamarkaana ay lumisay waqtigii loogu talagalay in lagu dhaqan galiyo heshiiska.

Gudoomiyaha ayaa sheegay in heshiiska loogu talo galay in lagu fuliyo mudo bil ah balse ay mudadau sii dhaaftay sedex bilood sidaa daraadeedna ay heshiiskaasi ka qaadan doonaan go’aan siyaasi ah iyagoon ku qanacsaneyn waxa socda.

Sheekh Cumar C/qaadir Aadan ayaa ka mid ahaa xubnihii culumaa’udiinka Ahlusunna waljameeca u saxiixay heshiisyadii ka kala dhacay magalooyinka Adis ababa iyo Muqdisho waxa uu sidoo kale ka mid ahaa xubnihii sida aadka ah ugu ololeynayay in la dhaqangaliyo heshiiska iyadoo qaar kamida culimada Ahlusunna ay goor horeba shaaciyeen in heshiiska uu fashilmay, hase yeeshee xiligan waxa uu u muuqdaa in dul qaadkii uu ka dhamaaday Sheekha.

Waa mas’uulkii labaad oo kamida culumaa’udiinka Ahlusunna-waljameeca oo si aad ah u dhaliila qaabka ay u waajahday dowladda KMG heshiiskii Adis ababa iyadoo gudoomiyaha guud ee culumaa’udiinka Ahlusunna Macalin Maxa’uud Sheekh Xasan uu meel fagaare ah ka sheegay in uu bur buray heshiiskii dhex maray iyaga iyo dowladda KMG Soomaaliya.

Ilaa hadda majiro mas’uul ka tirsan dowladda KMG oo ka hadlay heshiiskaasi iyo hadalada kasoo yeeraya Ahlusunna-waljameeca.
Dalkayaga@gmail.com

0 comments:

Post a Comment

Fadlan Aragtidaada Halkan ku Qor

Dalkayaga News