Monday, June 21, 2010

Garab kamida jabhadda ONLF oo heshiis la galay dowladda Itoobiya

Jabhadda ONLF garabka uu hogaamiyo Salaaxudiin C/raxmaan Macoow ayaa heshiis xabad joojin oo sedex bilood ah la saxiixday dowladda fedralka Itoobiya.


Shir jaraa’id oo taliyaha ciidanka jabhadda ONLF Xuseen Mursal iyo afhayeenka ururkaasi ay ku qabteen magaalada Nairobi ee dalka Kenya ayey ku sheegeen in heshiiskaasi uu dhacay 12-kii bishan aynu ku gudo jirno uuna ka dhacay dalka Jarmalka.

Xuseen Mursal ayaa ugu baaqay dhamaan ciidamada jabhadda ONLF in ay u hogaansamaan heshiiska xabad joojinta xabadana ay joojiyaan inta heshiiska lagu gudo jiro.

Waa jabhadii labaad ee sanadkan gudihisa ay dowladda fedraalka Itoobiya heshiis la gasho, waxeyna horey ula heshiisay jabhadda xoreynta Soomaali galbeed oo hubkii iska dhigay.

Dalkayaga@gmail.com

0 comments:

Post a Comment

Fadlan Aragtidaada Halkan ku Qor

Dalkayaga News