Contact Form

Name

Email *

Message *

Wednesday, June 30, 2010

Gaadiid laga soo daayey dhulka Ismaamulka Somalida Itoobiya

Maamulka Ahlu Sunna Wal-jamaaca ee Gobolka Galguduud ayaa sheegay in uu ku guuleystay in uu soo daayo baabuur kolonyo ah oo ay ciidamada Itoobiya ku heysteen baryahan dhulka Ismaamulka Soomaalia Itoobiya.


Baabuurtaan ayaa ahaa kuwo ku xaninbnaa magaalada Wardheer waxaa ay ku sii jeedeen Ethiopia iyaga oo Gobollada Hiiraan iyo Galguduud ka qaaday badeeco sida ay wararku sheegayaan.

Mas,uul u hadlay Ahlu Sunna ayaa sheegay in maamulka Wardheer iyo saraakiisha ciidamada Itoobiya ay ka ogaaldeen in lasoo daayo baabuurtaan oo waday badeeco ay leeyihiin ganacsato Soomaali ah.

Waa marki ugu horeeyey oo ay Ahlu Sunna ku guuleysato in ay soo deyso baabuur laga leeyahay Soomaaliya oo ay xiratay dowlada Itoobiya, waxaana arrintaan ay muujineysaa xiriirka wanaagsan ee ka dhaxeysa Ahlu Sunna iyo dowlada Ethiopia.

Dalkayaga@gmail.com

0 comments:

Post a Comment

Fadlan Aragtidaada Halkan ku Qor

Dalkayaga News