Wednesday, June 2, 2010

Dagaalo ka socda tuulooyin ka tirsan Galgaduud.


Wararka laga helayo tuulooyinka God dhurwaa iyo Bulacle ee gobolka Galgaduud ayaa ku waramaya inay halkaasi ka socdaan dagaalo culus oo u dhexeeya Ciidamo ka kala tirsan Shabaab iyo kuwa Ahlu-Sunna Wal jamaaca.

Wararkii ugu danbeeyay ayaa ku xog waramaya inuu hada dagaalku ka socdo inta u dhaxaysa tuulooyinka God dhurwaa iyo Bulacle ee gobolka Galgaduud, iyadoo la sheegay inuu dagaalkan ka bilowday kadib markii ciidamo ka tirsan Ahlu-Sunna ay weerareen fariisin ay lahaayeen ciidamo ka tirsan Shabaab.

Dadka deegaanka ee ka firxaday tuulooyinka lagu dagaalamayo ayaa saxaafadda u sheegay inay maqlayeen hub aad u culus oo ay isku ridayeen dhinacyada dagaalamayay.

Ilaa hada lama hayo khasaaraha dhabta ah ee uu dagaalku dhaliyay mana jiraan wax wara oo ka soo baxay dhinacyada dagaalamaya.

Tan iyo aroornimadii shalay ayaa dagaalo dad badani ku dhinteen uu ku dhexmarayay tuulooyin ka tirsan gobolka Galgaduud kooxda mayalka adagee Al Shabaab iyo Culumaa,udiinka Ahlu-Sunna Wal Jamaaca iyadoo dagaaladaasi ay sababeen barakac baahsan oo ku yimid dadkii ku noolaa tuulooyinkaasi.

Dalkayaga@gmail.com

0 comments:

Post a Comment

Fadlan Aragtidaada Halkan ku Qor

Dalkayaga News