Wednesday, June 9, 2010

Dagaal iyo duqeymo qasaare geystay oo maanta ka dhacay Muqdisho


Ugu yaraan shan qof oo rayid ah ayaa ku geeriyootay ku dhowaad 15-kalena waa ay ku dhaawacantay dagaal iyo duqeymo maanta duhurnimadii ka dhacay magaalada Muqdisho.

Dagaalka ayaa xoogiisa waxa uu ka dhcay aagga isgoyska Howlwadaag halkaasi oo ay isku hor fadhiyeen ciidamo kala taabacsan ciidamada daacadda u ah Shiekh Sherif iyo xoogagga dagaalka kala hor jeeda oo ay mar xulufo ahaayeen.
Intii uu dagaalku socday ayaa waxaa bar bar socday madaafiic aan loo meel dayin oo kusoo dhaceysay qaar ka mid ah degmooyinka Muqdisho iyo suuqa weyn ee Bakaaraha, kuwaasi oo dhaliyay dhimashada dad rayid ah.
Lama oga qasaaraha rasmiga ah ee kala gaaray dhinacyada dagaalamay iyadoo qasaaraha la ogyahay uu yahay oo kaliya kan gaaray dadka rayidka ah ee aan dagaalka ku jirin.
Majiraan wax warar ah oo ku aadan dagaalada oo kasoo baxay dhinacyada dagaalamay.

0 comments:

Post a Comment

Fadlan Aragtidaada Halkan ku Qor

Dalkayaga News