Sunday, June 27, 2010

Dagaal ay dadi ku dhinteen oo ka dhacay tuulo ka tirsan gobolka Karkaar


Inta la ogyahay labo qof ayaa kugeeriyootay mid kalena waa uu ku dhaawacmay kadib markii uu dagaal kadhacay tuulo lagu magacaabo Uur kujir oo ka tirsan gobolka Karkaar eemaamul goboledka Puntland.


Dagaalka ayaa u dhexeeyay laba maleeshiyo beeleed oo wada degatuulada uu dagaalku ka dhacay, iyadoo dadka geeriyoodayna ay ahaayeendhinacyadi dagaalamay.

Dagaalka ayaa salka ku haya aanooyin qabiil oo mudooyinkii ugu dambeeyay ka jiray tuulooyin ka tirsan gobolka Karkaar.

Odeyaasha iyo wax garadka Puntland ayaa baaq nabadeed u diiray maleeshiyaadka ku dagaalamay deegaankaasi

Dalkayaga@gmail.com

0 comments:

Post a Comment

Fadlan Aragtidaada Halkan ku Qor

Dalkayaga News