Monday, June 28, 2010

Dab xalay baabi’iyay baqaaro ku yaala degmada Gol-dogob

Ilaa sided baqaar oo kamida kuwa ganacsiga degmada Goldogob ee gobolka Mudug ayaa lasoo warinayaa inay bas beeleen kadib markii uu isu maray dab xalay ka kacay degmadaasi.


Dabka ayaan la ogeyn sababta dhabta ah ee keentay iyadoo ay jiraan tuhuno ah in dabka si ola kac ah loo qabadsiiyay baqaarada.

Waxaa adkaatay in si dhaqso ah loo damiyo dabka, iyadoo sababtuna ay tahay dadka magaalada oo ka baqayay in waxyeelo ay kasoo gaarto qaraxyo ay sameynayeen hub iyo rasaas tiilay qaar kamida baqaarada gubtay, hase yeeshee mar dambe ayaa lagu guuleestay in la damiyo dabka.

Ilaa hadda lama oga qasaaraha hantiyeed ee rasmiga ah ee uu dhaliyay dabkaasi, iyadoo sidoo kale ay jiraan qasaaro gaaray qaar kamida guryaha ka ag dhowaa baqaarada.

Halka uu dabku ka kacay ayaa ah suuqa ugu weyn ee degmada Gol dogob oo ay ku yaalaan baqaaradii ugu waaweynaa magaalada.

Dalkayaga@gmail.com

0 comments:

Post a Comment

Fadlan Aragtidaada Halkan ku Qor

Dalkayaga News