Contact Form

Name

Email *

Message *

Monday, June 28, 2010

Dab qabsaday isbital ku yaala Boosaaso

Wararka naga soo gaaraya magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka Bari ayaa sheegaya in goor dhoweyd uu dab qabsaday isbitalka lagu magacaabo Puntland oo ku yaala gudaha magaaladaasi.


Isbitalka oo kamida isbitaalada gaarka loo leeyahay ee magaalada ayaan la ogeyn sababta dhalisay dabkaasi, iyadoo laga shaki qabo in dabka uu ka dhashay korontada isbitalka.

Kooxaha dab damiska ayaa xiligan ku howlan daminta dabka, iyadoo amaankana ay sugayaan ciidamada booliska magaalada Boosaaso.

Dad dhaawac ah ayaa laga bixiyay gudaha isbitalka, iyadoo aan la ogeyn in dadkaasi ay ku dhaawacmeen dabka kacay iyo in ay ahaayeen dhaawacyo horey ugu jiray isbitalka
.
Lama oga qasaaraha rasmiga ah ee uu geystay dabkaasi, maadaama wali uu holcayo.

Dalkayaga@gmail.com

0 comments:

Post a Comment

Fadlan Aragtidaada Halkan ku Qor

Dalkayaga News