Sunday, June 13, 2010

Dab dad ay ku dhinteen oo ka kacay Boosaaso.

Wararka ka imanaya magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka Bari ayaa ku waramaya in maanta dab xoog leh uu ka kacay xero dad barakacayaal ah ay degan yihiin oo ku taala gudaha magaalada Boosaaso.



Dabkaan oo aan wali la cedeeyn waxa yaabaha uu ka dhashay ayaa waxaa la xaqiijiyey in ay ku geeriyoodeen labo qofood oo ka mid ah dadka barakacayaalka ah, waxaan sidoo kale dabka uu geeystay dhaawac kala duwan iyo qasaaro hantiyeed.

ka dib markii uu dabka kacay ayaa waxaa saacado ka dib goobta soo gaaray gaarida dab damiska oo dadaal ka dib ku guuleeystay in ay baqitaan dabka oo la sheegay in uu ahaa mid xoogan kuna fiday xerada oo dhamaan guryaha ku yaala ah yihiin kuwa ka sameeysan cooshado.

Magaalooyinka dalka Soomaaliya ayaa waxaa ku soo badanaya masiibooyinka dabiiciga ah, waxaana sidaan oo kale ka dhacay dalka Soomaaliya basiibooyinka fatahaada iyo debka
 
Dalkayaga@gmail.com

0 comments:

Post a Comment

Fadlan Aragtidaada Halkan ku Qor

Dalkayaga News