Contact Form

Name

Email *

Message *

Sunday, June 6, 2010

Culumaa'udiinka Ahlusuna oo jaray khadkii isgaarsiinta Dhuusamareeb

Wararka ka imaanaya magaalada Dhuusamareeb ee xarunta Gobolka galgaduud ayaa sheegaya in maalintii labaad ay go'an tahay isgaarsiinta, kadib markii Culumaa'udiinka Ahlusuna ay hawada ka saareen.

Warar aan kasoo xiganay ilo wareedyo ku sugun gudaha magaalada Dhuusamareeb  ayaa sheegay Ahlusuna ay wadaan dhaq dhaqaaqyo ciidan iyo guluf dagaal oo ku wajahan degmada Ceelbuur oo ah halka ukumaha u yaaliin Shabaabka.

Isgaarsiinta laga jaray Dhuusamareeb ayaa saameysay deegaanada dhaca dhinaca bari, gaar ahaan ceelgaras iyo deegaanada ku dhow dhow Ceelbuur oo anteenada isgaarsiinta ka qaata kan Dhuusamareeb.

Ma cadda ilaa iyo hada dhaq dhaqaaqyada ciidan ee xilligan soconaya, ha yeeshee maalmihii u dambeeyay ayaa waxaa deegaanada ay maamulaan Culumaa'udiinka Ahlusuna ka soconayay dhaq dhaqaaqyo ciidan iyo abaabul dagaal.

Afhayeenka Ahlusuna Shiikh C/laahi Abuu Yuusuf Al-qaadi ayaa sheegay in dhowaan culimada ay ku wajahan yihiin Ceelbuur, waxaana uu sheegay in ciidamadooda ay ku jiraan diyaar garowgii u dambeeyay.

Xaaladaha ciidan iyo abaabulka dagaal ee ka socda gobolka galgaduud ayaa ah mid aan looga fursan karin dagaalo ba'an oo dhiig ku daata, kaas oo ay haatan dhinacyada urur diimeedyadu ay isu qoryo uruursanayaan.

Dalkayaga@gmail.com

0 comments:

Post a Comment

Fadlan Aragtidaada Halkan ku Qor

Dalkayaga News