Sunday, June 13, 2010

Culimada Puntland Oo Qabtay Wacyigelin Ku aadan Waxyaabaha Muqaadaraadka






Dalada Culimada Puntland ayaa wacyi galin ku sabsan waxyaabaha Xumaanta ah iyo muqaadaraadka ku qabtay barxada magaaalda Garoowe ee Caasimada Puntland,waxaana wacyigelintaan Culimada gacan kasiinaayay Culimada Hay’adda NCA tasoo waayadan ku hawlanayd sidii ay gacan ku siin lahaayeen wacyi galinta noocaan ah.



Culimada ayaa wacyi galintaan ku qabtay barxada magaalada Garoowe waxay kaga hadleen Waxyaabaha xun in laga dhowrsanaado sida Khamriga,Filimaanta ansha xun iyo falalka Burcadbadeednimada.


Waxaa ay sheegeen in loo baahan yahay in wax kastoo Diintu ka reeban laga reebanaado sida khamriga oo ay sheegeen in waayadan danbe magaalooyinka Puntland ku soo badanayay loona baahan yahay in wax laga hortago.

Culimadan ayaa sidoo kale sheegay in ay jiraan filimaan xun kuwasoo lagu dhigo magaalada loona baahan yahay in laga hortago waxaas kuwasoo dhalaanka baray wax yaabo xun.

Waxaa kaloo ay Culimadan wacyi galintaan ay kaga hadleen Burcadbadeeda kuwasoo ay ku sheegeen in loo baahan yahay in laga hortago maadama ay xaaran soo qaadanayaan oo ay tahay lacagta ay qaataan mid xaaran ah tasoo qof kasta oo ay gasho lacagtaa ay tahay xaaran soo gashay.

Culimada ayaa hadalkooda ku soo koobay in si wad jir ah looga hortago Burcadbadeed iyo cid kastoo lug ku leh Dawlada iyo shacabkuna ay iska qabtaan.


Wacyi Galintaan ay wadaan dhamaan Culimada Puntland ayaa ah mid ay uga hortagayaan wax kastoo xumaha oo mudooyinki ugu dambeeyey kusii badanaayay dalka Soomaaliya.

Source: Horseedmedia

0 comments:

Post a Comment

Fadlan Aragtidaada Halkan ku Qor

Dalkayaga News