Monday, June 21, 2010

Cudurka duumada oo fara ba’an ku haya Wanlaweyn iyo dawo la’aan ka jirta isbitalka degmadaasi

Maalmihii ugu dambeeyay ayaa isbitalka magaalada Wanlaweyn ee gobolka Shabeelaha hoose waxaa la dhigay dad ku dhow 30-qof oo uu soo ritay cudurka duumada ama maleeriyada oo fara ba’an ku haya dadka magaaladaasi iyo tuulooyinka ku dhow dhow.

Agaasimaha isbitalka magaalada Wanlaweyn C/qaadir Sheekh Muuse oo wareysi siiyay saxaafadda ayaa sheegay in iyadoo dhibaatadaas ay jirto hadana isbitalku uusan heysan dawo iyo qalab caafimaad oo ku filan.


Agaasimaha ayaa shacabka Soomaaliyeed, maamulka ka jira degmada Wanlaweyn iyo cid walba oo gacan ka geysan karta kor u qaadidda howlaha isbitalka ka codsaday in ay lasoo gaaraan gar gaar deg deg ah isbitaalka si wax loogu qabto dadka ay soo ridanayaan cudurada kala duwan.

Inta badan gobolada dalka Soomaaliya ayaa marka la gaaro xili roobaadka waxaa ka dilaaca cudurada shubanka iyo duumada.

Dalkayaga@gmail.com

0 comments:

Post a Comment

Fadlan Aragtidaada Halkan ku Qor

Dalkayaga News