Contact Form

Name

Email *

Message *

Wednesday, June 9, 2010

Ciidamo lagu soo tababaray Itoobiya oo soo galay Gedo iyo abaabul dagaal ay wadaan


Dhaq dhaqaaqyo ciidan oo xoog leh ayaa ka bilowday deegaanka Doolow ee gobolka Gedo, halkaasoo ay soo gaareen boqolaal ciidan oo tababar loogu soo gaba gabeeyay dalka Itoobiya.


Ciidamadan ayaa wada abaabulo dagaal oo ku wajahan deegaanada gobolka Gedo, waxaana ciidamadan wehlinaya saraakiil ciidan.

Maamulka Xizbul Islama ee degmada Luuq ayaa sheegay in ay ka war hayaan dhaq dhaqaaqyada ciidan iyo duulaanada ku soo wajahan, waxaana ay sheegeen in ay ka hor tagi doonaan.

Sidoo kale Afhayeenka Al-Shabaab oo ku sugan Baardheere ayaa ku baaqay dagaal jihaad ah, waa sida uu hadalka u dhigaye, oo ka dhan ah ciidamada duulaanka soo ah, waxaana uu shacabka Gedo ku wargeliyay in ay deegaanadooda difaacdaan.

Dhaq dhaqaaqyada ciidan ee had iyo jeer laga soo sheegay xadka Itoobiya uu la wadaago gobolada Gedo, Bakool iyo Hiiraan ayaan aheyn wax cusub, iyadoo horay u jiro isku dayo dagaal, kuwaasoo u fuli waayay qorshe la'aan iyo tasiilaad la'aan.

Dalkayaga@gmail.com

0 comments:

Post a Comment

Fadlan Aragtidaada Halkan ku Qor

Dalkayaga News