Contact Form

Name

Email *

Message *

Monday, June 14, 2010

Ciidamada Ahlusunna waljameeca oo loo magacaabay taliye guud

Mas’uuliyiinta sar sare ee xoogagga Ahlusunna-waljameeca oo maanta boqolaal dad weyne ah kula hadlay meel fagaare ah oo ku taala degmada Guriceel ee gobolka Galgaduud ayey ku sheegeen in ciidamada Ahlusunna waljameeca loo magacaabay taliye guud.

Maxa’ed Yuusuf Xeefoow gudoomiyaha golaha fulinta kooxda Ahlusunna waljameeca ee gobolada dhexe ayaa sheegay in maanta laga bilaabo Cali Cigaal Jaamac uu yahay taliyaha guud ee ciidamada Ahlusunna waljameeca iyadoo taliyaha nafsad ahaantiisa uu dadka kala hadlay fagaarahaasi.
Taliyaha cusub ayaa ka codsaday dadweynihii goobta soo xaadiray in lagala shaqeeyo amniga iyo nabad galyada.
Sidoo kale waxaa iyadana taliye cusub loo magacaabay ciidamada amaanka degmada Guriceel iyadoo jagadaasina loo caleemo saaray Maxa’uud Odowaa Axmed (Maxa’uud Dheere) oo sheegay in wax badan uu ka badali doono amaanka degmada Guriceel
Maxa’ed Yuusuf Xeefoow oo fagaarahaasi ka hadlayay ayaa isagu ku dheeraaday dagaaladii ugu dambeeyay ee ka dhacay gobolka galgaduud oo dhex maray ciidamadooda iyo kuwa Shabaan waxa uuna sheegay in ay sii wadayaan dagaalka ay kala hor jeedaan Al-shabaab.
Magacaabista taliyayaashan cusub ee loo kala magacaabay ciidamada guud ee Ahlusunna-waljameeca iyo kuwa degmada Guriceel ayaa ka dambeysay kadib markii maanta ay kulan wada qaateen mas’uuliyiinta Ahlusunna-waljameeca iyo odeyaasha dhaqanka gobolka galgaduud.

Dalkayaga@gmail.com

0 comments:

Post a Comment

Fadlan Aragtidaada Halkan ku Qor

Dalkayaga News