Contact Form

Name

Email *

Message *

Wednesday, June 23, 2010

Ciidamada Ahlu Sunna oo afar burcad ah ku qabatay wadada Kalabeyr

Ahlu Suna Wal-jamaaca ayaa sheegay in ay howlgal burcad sifeyn ah ka sameeyeen inta u dhaxeysa degmooyinka Matabaan iyo Kalabeyr ee gobolka Galguduud.


Sarkaal ka tirsan Ahlu Sunnaa Galguduud oo lagu magacaabo Axmed Dheere kaasoo saaka la hadlay saxaafadda ayaa sheegay in ay kusoo qab qabteen burcad howlgal ay shalay gelinki danbe ka sameeyeen halkaasi.

Wuxuu tibaaxay in ay kusoo qab qabteen rag uu ku sheegay in ay dadka safarka ah wadada u gali jireen.

"Howl galkan oo fulay shalay gelinki danbe waxaan kusoo qabanay afar burcad ah, waxay ku jireen waddada waxaana baryahan nasoo gaarayey cabasho ay dadka ku cabanayaan in la dhacayo" ayuu yiri. Ahlu Sunna ayaa baryahan danbe wadda dar dar ay ku xoojineyso amaanka deegaanada ay ka taliso, walo halka ay howlgalka ka sameeyeen ay u dhaw yihiin maamulka Gobolka Hiiraan.

Dalkayaga.com

0 comments:

Post a Comment

Fadlan Aragtidaada Halkan ku Qor

Dalkayaga News