Contact Form

Name

Email *

Message *

Sunday, June 27, 2010

Buuhoodle oo xalay lagu dilay xubno ka tirsan gudiga doorashooyinka iyo xildhibaano ka hadlay


Baarlamaanka Soomaaliya oo ka hadlay rabshado xalay ka dhacay Buuhoodle
Mudanayaal ka tirsan baarlamanka KMG ee Soomaaliya degaan ahaana ka soo jeeda dhanka Waqooyi ayaa sheegay in ay wax laga xumaado tahay falkii xalay lagu dilay sarkaalkii ka mid ahaa guddiga Doorashooyinka Maamulka Somaliland.


Xildhibaan Cali Maxamuud Cabdi oo warbaahinta la hadlay kullan magaalada Muqdisho ku yeesheen Xildhibaanada ka soo jeeda deeganada Waqooyi ayaa sheegay in ay ka xun yihiin isla markaana cambaaraynayaan falkii xalay lagu dilay sarkaalkaasi ka tirsanaa guddiga Doorashooyinka Maamulka Somaliland iyo dhaawacyada Saddexda Askari ee Amaanka qaabilsanaa.

Mudanayaasha ka soo jeeda Gobolada Waqooyi waxaa kale oo ay hambalyo iyo reyn reyn u direen shacabka iyo mas’uuliyiinta Maamulka Somaliland doorashooyinka ay ku talaabsadeen, waxayna ugu baaqeen in amaanka la xaqiijiyo maadaama Amaanka Udub dhaxaad u yahay horumar laga gaaro arrimaha kale ee aas aasiga ah.

Haddalkan ayaa ku soo beegmaya xili xalay Jabhada SSC weerar ay ku soo qaadeen goob ay ku sugnaayeen ciidamada amaanka iyo Sarkaalkaasi ka midka ahaa guddiga Doorashooyinka rasaas ku fureen, taasoo dhalisay dhimashada iyo dhaawaca Askarta Ciidamada amaanka maamulka Somaliland.

Dalkayaga@gmail.com

0 comments:

Post a Comment

Fadlan Aragtidaada Halkan ku Qor

Dalkayaga News