Contact Form

Name

Email *

Message *

Wednesday, June 2, 2010

Burcad badeed Soomaali ah oo lagu dilay Garicad markabna lagala baxsaday.


Shaqaale saarnaa markab ay koox burcad badeed Soomaali ah afduub ugu heysteen xeebta deegaanka garacad ee gobolka Mudug ayaa la baxsaday markabkoodii iyagoo dilay 5-kamid ah kooxaha burcad badeeda.

Ninka kaliya ee kasoo haray burcad badeeda la dilay ayey shaqaaluhu ku xireen markabka dhexdiisa iyagoo la dhaqaaqay markabka.

Kooxaha burcad badeeda ku dhaqan deegaanka Garacad ayaa ka daba dhaqaaqay markabka lala baxsaday iyagoo wata 15-doomaha dheereeya ah iyo hubka fud fudud.

Markabka maanta lala baxsaday ayaa 3-bilood kahor laga soo afduubay gacanka cadmeed.

Dalkayaga@gmail.com

0 comments:

Post a Comment

Fadlan Aragtidaada Halkan ku Qor

Dalkayaga News