Thursday, June 3, 2010

Banaan bax ka dhan ah Al-shabaab iyo Xisbul-islaam oo ka dhacay Guriceel


Banaan bax balaaran oo looga soo hor jeedo dagaalada ay Shabaabul ka wadaan gobolka Gal-gaduud iyo ururka Xisbul-islaan, laguna taageerayo culumaa’udiinka Ahlusunna-waljameeca ayaa maanta ka dhacay magaalada Guriceel ee gobolka gal-gaduud.


Banaan baxa oo ay kasoo qeyb galeen qeybaha kala duwan ee bulshada magaalada Guriceel, ayaa banaanbaxayaashu waxa ay ku dhawaaqayeen ereyo ka dhan ah Al-shabaab iyo Xisbul-islaan.


Banaan baxayasha ayaa socod kusoo maray wadooyinka magaalada Guriceel, iyagoo sidoo kale ku dhawaaqayay ereyo ah in ay hiil iyo hooba la garab taaganyihiin Ahlusunna-waljameeca.
Majirin mas’uul ka tirsan Ahlusunna-waljameeca oo la hadlay bananbaxayaasha amaba kasoo qeyb galay banaan baxa.


Banaan baxan maanta ka dhacay magaalada guriceel ayaa kusoo beegmaya xili maalmihii ugu dambeeyay ay dagaalo culus gobolka gal-gaduud ku dhex marayeen kooxda Shabaab iyo culumaa’udiinka Ahlusunna-waljameeca.



0 comments:

Post a Comment

Fadlan Aragtidaada Halkan ku Qor

Dalkayaga News