Thursday, June 3, 2010

Al-qaadi “waxaan dilnay 91, waxaan qabsanay laba gaari oo hub ah


Afhayeenka culumaa’udiinka Ahlusunna-waljameeca Sheekh C/laahi Sheekh C/raxmaan (Abuu yuusuf Al-qaadi) oo caawa la hadlay idaacadaha Muqdisho ayaa sheegay in dhinacooda ay guulo ka gaareen dagaaladii maalmihii ugu dabmeeyay ay gobolka Gal-gaduud kula galeen kooxda AL-shabaab.


Afhayeenka ayaa sheegay in kooxda Al-shabaab ay dagaaladaasi kaga dileen dad kor u dhaafaya 90-qof, ayna kaga dhaawaceen ku dhowaad 170-qof, islamarkaana ay ka qabsadeen laba gaari oo ay ka buuxeen saanad militari iyo qoryaha fud fudud oo ay qabsadeen.


Alqaadi ayaa sheegay in dadka ay dileen ay ku jireen todobo sarkaal oo afar kamid ah ay yihiin dad aan Soomaaliya u dhalan, iyadoo laba kamid ahna ay cadaan ahaayeen.

0 comments:

Post a Comment

Fadlan Aragtidaada Halkan ku Qor

Dalkayaga News