Monday, June 28, 2010

Ahlusunna oo ku hanjabtay in ay ka baxeyso heshiiskii ay la gashay dowladda KMG

Kooxda Ahlusunna waljameeca ayaa ku hanjabay in ay ka baxayaan heshiiskii magaalada Adis-ababa ku dhex maray iyaga iyo maamulka Shikh Shirif hadii ay dhacdo in laga tago mid kamida 39-xubnood oo ay ku yeelanayaan dowladda Sheik Sharif.


Gudoomiye ku xigeenka golaha fulinta Ahlusunna-waljameeca Sheekh Cali Rooble oo la hadlay saxaafadda ayaa sheegay in ay hayaan warar sheegaya in dowladda KMG ay ka tagi rabto qaar kamida shan wasiir oo lagu heshiiyay in dowladda ay ku yeeshaan dhankooda, taasina ay marnaba aqbali doonin.

Gudoomiye ku xigeenka ayaa tilmaamay in dowladda aysan aqtiyaar u laheyn kordhinta iyo dhimista xubnaha ay ku yeelanayaan dowladda KMG arintuna ay tahay heshiis loona baahanyahay in sidiisa loo fuliyo.

Hadalka kasoo yeeray gudoomiye ku xigeenka Ahlusunna-waljameeca ayaa kusoo beegmaya xili la hadal hayo in la kala dirayo golaha wasiirada dowladda KMG lana soo dhisayo xukuumad ka kooban 18-wasiir oo tayo leh.

Dalkayaga@gmail.com

0 comments:

Post a Comment

Fadlan Aragtidaada Halkan ku Qor

Dalkayaga News