Monday, June 7, 2010

Ahlusunna oo ku eedeysay Shiekh Shirif hir galin la’aanta heshiiskii Adis-ababa


Culumada Ahlusunna-waljameeca ayaa ku eedeeyay dowladda KMG in ay ka gaabisay hir galinta heshiiskii magaalada Adis-ababa ku dhex maray dowladda KMG iyo Ahlusunna-waljameeca.

Gudoomiyaha golaha talada Ahlusunna-waljameeca Sheekh Cumar Sheekh C/risaaq Aadan oo wareysi siiyay saxaafadda ayaa ku eedeeyay dowladda in aysan qaadin talaabo lagu fulinayo heshiiskaasi taa bedelkeedana ay ku mashquulsantahay is qab qabsi dhexdeeda ah.
Gudoomiyaha ayaa tilmaamay in heshiiska uu ka xayiranyahay dhanka dowladda oo aysan jirin wax dhankooda ka dhiman wax walbana ay soo dhameestireen.
Ma ahan markii ugu horeysay oo mas’uul ka tirsan Ahlusunna-waljameeca uu eedeyn u jeediyo dowladda KMG, iyadoo goor sii horeysayba uu gudoomiyaha Ahlusunna Macalin Maxa’uud sheegay in uu bur buray heshiiskii dhex maray iyaga iyo dowladda.

Dalkayaga@gmail.com

0 comments:

Post a Comment

Fadlan Aragtidaada Halkan ku Qor

Dalkayaga News