Contact Form

Name

Email *

Message *

Sunday, June 13, 2010

Ahlusunna oo dad usoo qab qabatay bamkii xalay lagu tuuray guriga Xeefoow


Howlgalo ay maanta sameeyeen ciidamada amaanka culumaa’udiinka Ahlusunna-waljameeca ee degmada Guriceel ayey kusoo qab qabteen ilaa shan qof oo lagu eedeeyay in ay ku lug lahaayeen weerar bambaano oo xalay lagu qaaday guriga gudoomiyaha golaha fulinta Ahlusunna-waljameeca Sheekh Maxa’ed Yuusuf Xeefoow oo ku yaala degmada Guricel.

Madaxa amniga degmada Guriceel Maxa’ed Shidane Diiriye (Daqarre) oo la hadlay idaacadda Hornafrik ayaa sheegay in ragaasi maanta la qabtay maxkamad lasoo taagi doono.


Daqarre ayaa intasi ku daray in ay sii wadayaan howl galada ay ku baacsanayaan rag uu sheegay in ay falal amaan daro ka wadaan degmada Guriceel.

Xalay fiidkii ayey aheyd markii mar qura qarax laga maqlay degmada Guricel, iyadoo qaraxuna uu ahaa bam lagu tuuray guri uu Xeefoow ku leeyahay degmada Guriceel ee gobolka galgaduud.

 
Dalkayaga@gmail.com

0 comments:

Post a Comment

Fadlan Aragtidaada Halkan ku Qor

Dalkayaga News