Wednesday, June 30, 2010

Ahlu SUnnah oo Ku Hungoobay Heshiiskii ay la Galeen Shiekh Sherif.

Gudoomiyaha Ahlu-Sunna Waljameeca Macalin Maxamuud Xasan oo u waramayay idaacadda BBCda ayaa ka dhawaajiyay mar kale inuu burburay heshiiskii iyaga iyo dawladda ku dhexmaray magaalada Adis ababa isagoo eeda dusha uga tuuray dawladda oo ku eedeeyay inay masuul ka tahay burburka ku yimid heshiiskii dhexmaray iyaga iyo dawladda.


Macalin Maxamuud ayaa dhanka kale sheegay inay talooyin u jeediyeen dawladda oo ku aadan hirgalinta qodobadii heshiiskii Adis ababa balse ay dawladdu ka dhaga adaygtay inay talooyinkaasi qaadato taasoo keentay sida shiikhu yiri fashilka ku yimid heshiiska.

Macalin Maxamuud ayaa sidoo kale sheegay inay hayaan warar sheegaya inay dawladdu doonayso inay magacawdo xubno ay ku timaamayso inay ku socdaan qaybtii Ahlu-Sunna uga soo aaday heshiiskii awood qaybsiga ahaa taasoo sheekhu ku tilmaamay kuwo been abuura isla markaana xubnahaasi aanay matalin Ahlu-Sunna Waljameeca.

Warar kala duwan oo soo baxayay maalmihii ugu danbeeyay ayaa sheegayay in la soo magacaabi doono gole wasiiro cusub oo ay xubno ku leeyihiin Ahlu-Sunna Waljameeca kuwaas oo qayb ka ah heshiiskii awood qaybsiga ahaa ee Ahlu-Sunna iyo dawladda ku dhex maray caasimada Ethopia, waxaase muuqata in Ahlu-Sunna aanay waxba kala socon xubnaha magaceeda ku matali doona xukuumada cusub ee lagu wado in lagu dhawaaqo taasoo sii kala fogayn karta dawladda iyo Ahlu-Sunna oo dagaal adag kala kulmaya Al-shabaab.

Dalkayaga@gmail.com

0 comments:

Post a Comment

Fadlan Aragtidaada Halkan ku Qor

Dalkayaga News