Sunday, June 27, 2010

27-ka June maalinta xoriyadda Jabuuti (siduu gumeestihii Faransiiska kusoo galay jabuuti?)


Maanta oo kale 33-sano kahorayaa shacabka Jabuuti ay xornimadooda ka qaateen gumeystihiiFaransiiska oo dalkaasi xoog ku heystay in ka badan hal qarni.


Fantasiyo loogu dabaal dagayo sanadguuradii 33-aad ee jamhuuriyadda Jabuuti ayaa maanta ka dhacay guud ahaan dalka Jabuuti.

Magaalooyinka waaweyn ee dalkaasi ayaa lagu xardhay calanka dalkaJabuuti, iyadoo amaanka ay si weyn sugayeen ciidamada amniga dalkaasi.

Xaflado kala duwan ayaa ka dhacay dalkaasi, waxaana bandhigmagaalada Jabuuti ku sameeyay ciidamada xoogga dalka Jabuuti qeybahoodakala duwan.

1862-dii ayuu gumeystihii Faransiiska qabsaday xeebta Obokh oo ku taala waqooyiga jamhuuriyadda Jabuuti.

1885-tiina waxa uu Faransiisku usoo guuray xeebaha magaalada Jabuutihalkaasi oo ay ku wada kulmeen mas’uuliyiintii Faransiiska iyo odeygiibeesha Ciise o markaasu xukumayay dalka Jabuuti, waxeyna kalasaxiixdeen heshiis ay kazoo hor jeesteen in badan oo kamid ahaaduqowdii Jabuuti.

Waxaa abuurmay dagaalyahano ka dhan ah gumeystihii faransiiska,waxaana marki ugu horeysay Faransiiska kahor yimi dagaalyahankii FaaraxXaad oo wata ciidamo u badnaa dhalinyaro gumeysi diid ah.

Marka muddo la joogaba waxa abuurmayey ururro gumaysi-diid ah oo ayhoggaaminayaan rag geesiyaal ah,isticmaarkuna goor walba xoog iyocaburinn buu saari jirey si uu u damiyo iftiinka gobonnimo-doonka, ilaaugu dambayntii uu xooggiisii waxba tari waayey oo shacabkii guulaystaygobannimadiina dhalatay 27kii Juun 1977kii.

Waxaan leenahay shacabka Jabuuti iyo guuda haan shacabka Soomaaliyeed Hambalyo.

Dalkayaga@gmail.com

0 comments:

Post a Comment

Fadlan Aragtidaada Halkan ku Qor

Dalkayaga News