Saturday, May 29, 2010

Yusuf Indha Cade "Qaraxii wasiirada ee aan ka mid ahaa ciidamada Dowlada ayaa ka danbeeyey"

Wasiirul Dowlaha Wasarada Gaashaandhiga dowlada KMG Yusuf Maxamed Siyaad Indho-Cade oo maanta shirjaraa'id ku qabtay magaalada Muqdisho ayaa waxa u faafaahin ka bixiyeye
 qarax maalinii shalay lala beegsady wasiiro ka tirsan Xukuumada KMG ah ee uu isaga ka mid ahaa.

Waxa Wasiirul Dowlaha Wasarada Gaashaandhiga ku eedeeyey in ay ka danbeeyeen qaraxaasi ciidamada Dowlada KMG  qaraxaasi oo habeen ka hore lagu beegdaday xili ay isaga iyo wasiirada marayeen wadada Maka Almukara gaar ahaan agagaarka Hotel Wehliye ee Magaalada Muqdisho.

"Ciidamada dowladda ayaa ka dambeeya Qaraxii wasiirada ee aan ka mid ahaa , maxaa yeelay wadada Dabka iyo Hotel Wehliye waa xarun ciidan, marka suura gal ma noqoneyso in cid aan ciidan aheyn in aysan dhigin qaraxaas"ayuu yiri Indhacade.

 Indhacade ayaa carabka ku dhuftay in qaraxa xilliga lala eeganaya, isaga iyo wasiirada kala ah C/raxmaan C/shakuur iyo Maxamuud Garweyne laga hogaaminayay xarunta Madaxtooyada, markii ay ka soo baxayeen sida uu hadalka u dhigay.

"Anagoo baabuurteena wadanay ayaa ka soo baxnay Madaxtooyada, waana laga hagayay, cid aan eed u jeedinayo ma jirto, laakiin ciidamada dowladda ayaa mas'uuliyadaas lahaa"ayuu mar kale yiri Indhacade oo intaa ku daray in ay wadaan baaritaan.

Dhowr bilood ka hor ayay aheyd markii Indhacade uu ka bad baaday qarax lagula eegtay baabuur uu la socday wadada Taree Biyaano, iyadoo qaraxaas ahaa kuwo la soo qorsheeyay oo mas'uuliyadooda ay sheegteen Al-Shabaab


Dalkayaga@gmail.com

0 comments:

Post a Comment

Fadlan Aragtidaada Halkan ku Qor

Dalkayaga News