Saturday, May 1, 2010

Xildhibaano Ay Isku Beelyihiin Gudoomiyaha Baarlamanka oo Kalsoonidii Kala Laabtay

Xildhibaanada Baarlamanka Dowlada KMG ah ee kasoo jeeda Beelaha Digil iyo Mirifle ayaa uqalab qaatay sidii ay qayb uga noqon lahaayeen Kacdoonka ka dhanka ah gudoomiyaha Baarlamanka Aadan Madoobe.
Kontomeeyo katirsan Xildhibaanada Baarlamanka
Dowlada KMG ah ayaa magaalada Muqdisho uga dhawaaqay in ay kalsoonidii kala laabteen Gudoomiyaha Baarlamanka oo xilkiisa laysku haysto.
In kabadan 72 Xildhibaan oo ay Wasiiro ku jiraan ayaa magaalada Muqdisho uga dhawaaqay in ay kalsoonidii kala laabteen gudoomiyaha Baarlamanka Sheekh Aadan Madoobe oo maalmihii lasoo dhaafay kacdoon Baarlaman lakulmayay.
Xildhibaan Macalin Jiis oo katirsan Xildhibaanada kulmay ee kasoo jeedo Beelaha Digil iyo Mirifle ayaa sheegay in Beesha gudoomiyaha ay dhawaan soo gudbi doonto magaca shaqsiga u sharaxan gudoomiyaha Baarlamanka islamarkaana uu dhamaaday xilka gudoomiyaha.

Kacdoonka ka dhanka ah Aadan madoobe ayaa la sheegayaa in uu gadaal kasoo riixayo Shariif Xasan Sheekh Aadan oo ah Wasiirka Maaliyadda ahna R/wasaare K/xigeen katirsan Dowlada KMG ah.

Dalkayaga@gmail.com

0 comments:

Post a Comment

Fadlan Aragtidaada Halkan ku Qor

Dalkayaga News