Sunday, May 9, 2010

Xildhibaanada Mucaaradsan Gudoomiyaha Baarlamanka Oo Eedayn Kulul Ujeediyay Ergayga G.Midoobe Uqaabilsan Arrimaha Somaliya.

Xildhibaanada Baarlamanka Dowlda Federaalka ee kasoo horjeeda Gudoomiyaha Baarlamanka ayaa Eedayn u jeediyay Ergayga Q.Midoobe uqaabilsan arrimaha Somaliya Axmed Weled Cabdalla oo ay ku eedeeyeen in uu lasaftay dhinac kamid ah Baarlamanka is khilaafsan.


Xildhibaan Cumar Islow oo hormuud u ah Xildhibaanada Mucaaradsan Aadan madoobe ayaa ugu baaqay Axmed Weled cabdalla uu dhamaystiro Dib U Heshiisiinta Somaliya islamarkaana uusan lasafan gudoomiye waqtigiisu dhacay sida uu hadalka u dhigay.
"waxaan ka xunahay in Axmed Weled Cabdalla Ergayga Q.Midoobe uqaabilsan Somaliya uu lasaftay Gudoomiyihii waqtigiisu dhacay, waxaan ka codsanaynaa Q.Midoobe in ay sii wado dib Uheshiisiintii Somaliya oo weli aan ladhamaystirtin farahana ay kala baxdo arrinta ku salaysan sharciga ee u dhexaysa baarlamanka"ayuu yiri Islow.

Xildhibaankan ayaa baaq u diray IGAD,Q.Midoobe,Jaamacadda Carabta iyo Ururada daneeya Somaliya in ay soo fara geliyaan Khilaafka u dhexeeya baarlamanka oo uu sheegay in uu meel xun gaaray.

Dalkayaga@gmail.com

0 comments:

Post a Comment

Fadlan Aragtidaada Halkan ku Qor

Dalkayaga News