Contact Form

Name

Email *

Message *

Tuesday, May 11, 2010

Xildhibaan eedeeyay Jabuuti.

Mudane ka tirsan Barlamanka KMG ee Soomaaliya ayaa Maanta eedeeyay Dowladda Jabuuti iyo ergeyga Qaramada Midoobay u qaabilsan Arimaha Soomaaliya Axmed Walad Cabdala.
Xildhibaan Mowliid Macaane Maxamuud oo kamid ah mudanayaasha barlamanka KMG ee Soomaaliya oo maanta gelankii danbe saxaafada kula hadlayey magaalada Muqdisho ayaa waxaa uu ka Hadley Khilaafka ka dhaxtaagan baarlamanka Soomaaliya, isagoo ku eedayey Mashaakilaadka barlamanka ka dhaxjira in ay ka dambeeyaan dowlada Jabuuti iyo Wakiilka Gaarka ah ee QM ee arimaha Soomaaliya Axmed Walad Cabdala kuwasi oo uu sheegay in ay ku tunteen Sharciga Barlamanka KMG ee Soomaaliya.

Waxaana uu ku eedayey dowlada Jabuuti iyo Axmed walad Cabdalaba in si sharci dara ah ay isugu yeereen mas’uuliyiinta dowladii hore oo uu hogaaminayey C/laahi Yuusuf Axmed iyo Ururkii isbaheysiga dib u xureynta oo isna hogaaminayey sheikh Shariif Sheikh Axmed, waxaana uu sheegey in labadaasi dhinac heshiiskoodii uusan ka fariisan Barlamanka Soomaaliya, isagoo sheegey in sidaas loogu tuntey sharcigii u yaaley Barlamanka, waxaana uu intaasi raaciyey in xiligaan khilaafka ka dhaxjira barlamnka uu ka soo bilowdey heshiiskii Dalka Jabuuti lagu gaarey sida uu hadalka u dhigey.

Sidoo kale xildhibaan Mowliid Macaane Maxamuud ayaa waxaa uu sharci daro ku tilmaayey xildhibaanada kasoo horjeeda Gudoonka Barlamanka  isagoo sheegey in ay ku qaldanyihiin iney hoteelo fariistaan ayna kasoo horjeestaan Gudoonka Barlamanka KMG ee Somaaliya taasi oo uu tilmaamey in aysan sharci aheyn.

Dalkayaga@gmail.com

0 comments:

Post a Comment

Fadlan Aragtidaada Halkan ku Qor

Dalkayaga News