Friday, May 7, 2010

Xidhibaanad la jir dilay magaalada Muqdisho

Xildhibaanad Aamina Cumar jaamac oo kamid ah xildhibaanada baarlamanka dowladda KMG Soomaaliya oo maanta shir jaraa’id ku qabatay magaalada Muqdisho ayaa sheegtay in saaka aroortii ay kooxo hubeysan kusoo weerareen hoygeeda oo ku yaala inta u dhexeysa xarunta madaxtooyada Soomaaliya iyo golaha murtida iyo madadaalada ee National Tiyaatar.

Xildhibanadda ayaa sheegtay in kooxaha soo weeraray rasaas ay fureen ay ku dhaawacmeen qaar kamid ah eheladeeda oo uu ku jiro wiil ay dhashay, iyadoo sidoo kalena sheegtay in la jir dilay gabadheeda, iyadoo dhaawac ahna la kaxeystay, aysanna ogeeyn meesha la geeyay gabadheeda.

Xildhibaanadda ayaa sidoo kale sheegtay in la qaatay dukumintiyo yaalay gurigeeda, sida kaararkeeda aqoonsiga iyo baasabooro ay lahaayeen iyada iyo caruurteeda, sidoo kale waxa ay sheegtay in gurigeeda laga qaatay hanti isugu jirta lacag iyo dahab, iyadoo agagarka gurigeeda ay bar koontarool ku leeyihiin ciidamo ka tirsan dowladda KMG Soomaaliya, balse aysan ka helin wax gurmad ah hal saac oo gurigeeda ay ku socotay rasaas.

Inkastoo aan la xaqiijin cidda rasmi ahan ka dambeysa weerarkaasi saaka lagu qaaday guriga xildhibaanadda ayaa hadana waxa ay xildhibaanadda ku eedeysay weerarkaasi in uu ka dambeeyo nin la dhashay xildhbaan Bootaan Ciise caalin oo kamid ah xildhibaanada Dowladda KMG Soomaaliya.

Xildhibaanadda ayaa ugu dambeyn sheegtay in ay ka warsugeyso gudoonka sare ee baarlamaanka iyo xukuumadda Soomaaliya oo ay dacwadeeda u gudbisay.



Dalkayaga@gmail.com
 

0 comments:

Post a Comment

Fadlan Aragtidaada Halkan ku Qor

Dalkayaga News