Saturday, May 29, 2010

"Waxaa nala ku wareejiyey Hub aad u badan" Mas'uul katirsan Culimo Owdiinka Ehlusuna Waljeemaca

Culimada Ehlusuna Waljameeca oo ka arimiya gobolada dhexe ee Dalka Soomaaliya ayaa waxay shaaca ka qaadeen in Hub & Gaadiid dagaal lagu soo wareejiyey Culimada Ehlusuna Waljeemaca
 isla markaasna ay kusoo wareejiyeen qaarkamid ah Qabaa'ilada Soomaaliyeed ee dega qeybo kamid ah gobolada dhex ee dalka.


Afhayeenkii hore ee Ehlusuna Waljeemaca isla markaasna ah mas'uul katirsan Culimada Sheekh Cabdirsaaq Alshacari ayaa warbaahinta usheegey jiritaanka warka sheegaya in Culimada lagu soo wareejiyey gaadiid & hub,wuxuuna intaas ku daray in culimada loogu soo wareejiyey Hubka inay shacabku ku ilaaliyaan taasoo uu sheegey in dhawaanba bilaabmi doonto.

"Culimada waxaa lagu soo wareejiyey Hub &Gaadiid Dagaal,Waxaana nagu wareejiyey Beelaha walaaleheena ee jooga gobolada dhexe ee Dalka Soomaaliya,waxayna uga gol leeyihiin in aanu ku difaacno oo aanu ka qabano cidkasta oo dhibaato ku haysa,taasina mardhow ayaa bilaabmi doonaa,dhawaana waxaanu qabsan doonaa gobolo badan oo gacanteena ka baxsan"Ayuu yiri Sheekh Ashcari.

Ashcari wuxuu sheegey in shalay Deegaano yar yar oo ay gacanta ku hayeen ay kala wareegeen Alshabaa,wuxuuna sheegey in ay dhawaan qabsan doonaan meelaha ay Alshabaab la wareegeen oo uu sheegey in hadaba ay Kulaalayaan ciidamada Ehlusuna Waljameeca,waxaana uu intaas ku daray in heegan buuxa lagaliyey Ciidamadooda si ay u bilaabaan dagaalo adag.


Dalkayaga@gmail.com

0 comments:

Post a Comment

Fadlan Aragtidaada Halkan ku Qor

Dalkayaga News