Contact Form

Name

Email *

Message *

Tuesday, May 25, 2010

WASIIRKA KALLUUMAYSIGA PUNTLAND "DAGAALKA DEGMEDA WIDHWIDH WAXA UU DHEXMARAY CIIDAMO BEELEED IYO SOMALILAND.

Wafti balaaran oo kasocday Gobolka Cayn kaasi oo maalintii shalay gaaray Magaalada Gaalkacyo ayna kamid ahaayeen xubno sar sare oo katirsan Dawladda Puntland sida Wasiirka Kalluumaysiga iyo Khayraadka Badda, Guddoomiye kuxigeenka koowaad
 ee Baarlamaanka Puntland iyo xubno kale oo uu kamid yahay Guddoomiyaha Gobolka Cayn ayaa waxa ay dib ugu laabteen Gobolka Cayn Gaar ahaan Magaalada Buuhoodle.


Wasiirka Kalluumaysiga iyo Khayraadka Badda ee Dawladda Puntland Maxamed Faarax Aadan oo kamid aah Waftigaasi ayaa maanta waxa uu saxaafadda gudaha uga warbixiyey safarkii ay ku tageen Gaalkacyo iyo midka ay ugu laabteen Buuhoodle waxaana uu Wasiirku sheegay in ay Gaalkacyo u tageen sidii ay goobo lagu dabiibo ugu heli lahaayeen dadkii ku dhaawacmay dagaaladdii dhowaan ka dhacay Buuhoodle ayna hadda ugu laabteen Gobolka sidii dadkaasi loogu qaadi lahaa dhanka Gaalkacyo.

Wasiirka ayaa waxa uu tibaaxay in ay damacsan yihiin wada hadalo nabadeed oo ay lagalaan ciidamada Itoobiya ee kusugan aaga Buuhoodle ayna kala hadlaayaan sidii nabad loogu dhamayn lahaa khilaafkii maalinti Jimcaha sababay gacan kahadlaka keenay khasaaraha dhimasho iyo dhaawac.

Maxamed Faarax Aadan ayaa waxa uu intaasi raaciyey in maanta ay cuqaasha iyo waxgaradka Deegaanku kulan laaqaateen saraakiisha hogaaminaysa Ciidamada Itoobyaanka ah ayna kala hadleen sidii la'isugu celin lahaa hubkii dagaalka lagu kala qabsaday iyo qodobo kale oo muhiim u ah xasiloonida Gobolka.

Wasiirka ayaa mar uu kahadlaayey dagaalkii maalintii Sabtida ahayd ka dhacay Degmada Widh Widh ayaa waxa uu beeniyey in Degmadaasi ay isku farasareen ciidamo ka kala tirsan Puntland iyo Somaliland waxaana uu Wasiirku tilmaamay in dagaalku dhexmaray Malayshiyaad katirsan Somaliland iyo Dadka Deegaanka.

Hadalka Wasiirka Kalluumaysiga ee ku aadan dagaalka Widh Widh ayaa waxa uu dhabar jab weyn iyo beenin daran ku noqday hadal uu dhowaan saxaafadda siiyey Guddoomiyaha Degmada Widh Widh Adan Xirsi Dhabarlow uuna ku sheegay in dagaalka Widh Widh uu dhexmaray Ciidamo ka kala tirsan labada maamul ee Puntland iyo Somaliland hase yeeshee Wasiirka ayaa hadalka masuulkaasi ku tilmamay mid aan sal iyo raad lahayn waxaana uu wasiirku ku cel celiyey in dagaalkaasi uu dhexmaray Ciidamada Maleeshiyaad Beeleda iyo kuwa Somailand.

Sikastaba dagaalka Widhi Widh ayaa waxa uu yahay mid muran weyn ka dhex dhaliyey gudaha Puntland gaar ahaana ay isku khilaafeen siyaasiinta Dawladda katirsan ee kasoo Jeeda Gobolka uuna kamid yahay Madaxweyne kuxigeenka isla markaana ah xilligan kusimaha Madaxweynaha Gen. C/samed Cali Shire kuwaasi oo isku haysta gelitaanka dagaalka.


Dalkayaga@gmail.com

0 comments:

Post a Comment

Fadlan Aragtidaada Halkan ku Qor

Dalkayaga News