Wednesday, May 5, 2010

Wasiirka Ganacsiga Soomaaliya oo Xarrakatul Shabaab iyo Xisbul Islaam ku eedeeyay ammaan-xumada ka jirta Puntland


Wasiirka Wasaaradda Ganacsiga Soomaaliya Md. C/rashiid Maxamed Cabdi (Cirro) ayaa ku eedeeyay amaanxumada ka jirta Gobollada Puntland xoogagga Xisbul Islaam iyo Xarrakatul Shabaab oo dagaal kula jira Dowladda.


C/rashiid Cirro wuxuu sheegay in dilalkii xalay ka dhacay Boosaaso iyo falal kale oo ay qaraxyo ka mid ahaayeen ay yihiin kuwo lagu doonayo in qalqal lagu geliyo ammaanka Magaaladaas iyo guud ahaa Puntland.

"Xarrakatul Shabaab iyo Xisbul Islaam ayaa mas'uul ka ah ammaan xumooyinka ka jira Gobollada Puntland, waxayna Dowladda Soomaaliya diyaar u tahay inay gacan ka siiso Puntland sugidda ammaanka deegaannadeeda" ayuu yiri Wasiirka.

Magaalada Boosaaso ayaa waxaa xalay ka dhacay dilal loo geystay saddex qof oo mid ka mid ah ay ahayd haweeney guddoomiye ka ah degmooyinka Boosaaso, iyadoo Wasiirku uu sheegay in shacabka ay falalkaan geliyeen cabsi weyn.

"Boosaaso waa Magaalada ganacsi, ammaandarooyin ka jirana waa kuwo soo laalaabtay, waxaan beesha calaamka ka codsanay in la kordhiyo tababarka ciidanka iyo qalabeyntooda, innaguna waxba kama hagranayno" ayuu yiri C/rashiid Cirro.

Hadalkan wasiirka ayaa imaanaya iyadoo falalkii aanay jirin cid loo qabtay dilalkii xalay ka dhacay degmada Boosaaso oo ah xarunta ganacsi ee Maamulka Puntland, iyadoo sannadkan ay ka dhaceen dilal kala duwan oo noocaas ah.


Source: HOL

0 comments:

Post a Comment

Fadlan Aragtidaada Halkan ku Qor

Dalkayaga News