Contact Form

Name

Email *

Message *

Monday, May 3, 2010

WARBIXIN: Khilaafka Kooxaha Mayalka Adag ee ka Jira Soomaliya oo sii Xoogaysanaya


Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya qarax xalay ka dhacay magaalada Kismaayo xarunta gobalka Jubbada Hoose kaasi oo lala eegtay Masjiid xarun u ah kooxda Takfiirka oo ku yaal gudaha magaaladaasi.

Wararka nagasoo gaaraya magaalada Kismaayo ayaa xaqiijinaya in qarax lala eegtay Masjiidka Guul-wade oo ku yaala isla xaafadda Guul wade ee magaalada Kismaayo waxaana qaraxaasi ku dhintay ilaa iyo 1 qof oo rayid ah iyo dhaawac gaaray 12 kale.
Qaraxyadan ayaa lala xiriirinayaa khilaaf soo kala dhex galay kooxaha mayalka adag ee ay ka mid yihiin Alshabaab, Al Islaax, Takfiir Xibul Slum iyo kuwa kale oo farabadan. Sida ay xaqiijiyeen madaxda Al shabaab iyo Xisbul Slum, waxaa ka garab dagaalama xoogag shisheeye oo ka kala yimid waddamada Afghanistan, Pakistan, Saudi Arabia Kashmiir iyo waddamo kale oo qaaradda Ashiya ah.

Warar hoose ayaa sheegaya in qaraxan lala beegsaday madasha firqadan Takfiirka xarunta u ah, uu ahaa mid aar goosi ah iyadoo loo aanaynayo inay xiriir la leeyihiin uruka Xisbul Slum oo lagu eedeyey qaraxii Masjiidkii Bakaaraha ee la qarxiyey maalinimadii Sabtidaa ee lasoo dhaafay.

Gudoomiyaha Maamulka Jubbooyinka Abuukar Cali Aadan ee Alshabaab, ayaan weli si toos ah u cambaarayn qaraxan ka dhacay Masjiidka Kismanyo ee Firqada Takfiirka. Alshabaab ayaa u yaqaana Takfiirku inay yihiin gaalo maadaama ayna firqadan cunin hilibka neef aynan iyagu qalin.

Muddo haatan ka soo wareegtay 3 isbuuc ayey ahayd markii Alshabaab iyo Xisbul Slum oo isku dhinac ah ay ku amreen firqada Takfiir inay ka baxaan magaalada Baladwayne. Mar la waydiiyey masuulka Xisbul Slum ee gobolka Hiiraan ayaa arintaa u xaqiijiey idaacadda VOAda kuna tilmaamay in ay firqadan Takfiirku gaalo yihiin.

Qaraxayadan oo awal ku badnaa in lala beegsado meelaha ay ku nool yihiin shacab iyo dad kasoo barakcay deegaamo kale oo ku yaal koonfurta Soomaliya, ayaa hadda u muuqda kuwo loo wareejiyey Masjiidyada ay kala leeyihiin firqooyinkan kala duwan ay ka hawl gala ama ka arimiya inta badan Koonfurta Soomaliya.

Dalkayaga@gmail.com

0 comments:

Post a Comment

Fadlan Aragtidaada Halkan ku Qor

Dalkayaga News