Sunday, May 23, 2010

Wararkii Ugu Dambeeyey Ee Dagaalkii Degmada Widh Widh Iyo Bali Hadhac Ee Gobolka Cayn

Dagaalo xoogan oo ay fooda isku dareen degmada widh widh ee gobolka cayn ciidamada maamulka Somaliland iyo ciidamada SSC ayaa waxaa ku geeriyooday in ka badan 14-qof oo isgu jira dhinacyada halkaasi ku dagaalamyey iyo weliba dad rayid ah.

Dagaalkan oo ay soo qaadeen ciidamada maamulka Somaliland ayaa laysu adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan kadibna ku faafay deegaanada degmadaasi islamrkaana ugu dambayn ay halkaasi la wareegeen ciidamada deegaanka ee SSC kuwaasoo sida la sheegay la wareegay tikniko iyo weliba maxaabiis.

Col.Keyse Cabdi Yuusuf oo ah sarkaalka wata ciidamada (SSC) Sool ,Sanaag iyo Cayn ayaa saxaafada u sheegay inay ku qabsadeen dagaalkaasi 4-tikniko ah iyo weliba hubka yar yar isagoo intaasi ku daray inay qab qabteen maxaabiis waa siduu hadalka u dhigaye taasoo uusii raaciyey inay gacanta ku hayaan degmadaasi widh widh ee dagaalku ka dhacay.

Sidoo kale sarkaal kale oo u hadlayey ciidamada Somaliland oo magaciisa ku soo gaabiyey cabdillaahi ayaa tilmaamay inay ciidamada Somaliland ku sugan yihiin deegaanka bali-hadhac oo dhanka waqooyi kaga beegan magaalada dagaalku ka dhacay dhinaca Burco isagoo sarkaalkani saxaafada u sheegay inay dib uga baxeen degmadaasi islamrkaana uu amar kaga yimid dhinaca maamulka sare ee Hargaysa.

Sarkaalkan lagu magacaabo Cabdillaahi ayaa intaasi ku daray inay xagooda ka geeriyoodeen sarkaalkii Guutada 17-aad ee ciidamada Somaliland Col.Maxamed Daahir (Doolaal) iyo afar askari balse uu sheegay inay dhinaca ka soo horjeeda ka dileen ilaa tobaneeyo askarta SSC ah waa siduu hadalka u dhigaye.

Si kastaba ha ahaatee dagaaladan ka soconaya deegaanada gobolka Cayn ayaa ku soo beegmaya xili ay maamulka Somaliland u diyaar garoobayaan doorashada mataxtinimo ee sanadkan islamrkaana ay dhinaca kale aad u kacsan yihiin dadka deegaanada sool,sanaag iyo cayn oo si weyn uga soo horjeeda kala Go,a dalka soomaaliya.
 
  Dalkayaga@gmail.com

1 comments:

  • Anonymous says:
    June 17, 2011 at 3:43 AM

    Looma baahna dhiig danbe in uu sii daato, Rabbi ayaan ka baryayaa in nabad waarta la helo. Dagaal faa'iido haduu leeyahay waad aragtaan sida aan ku sugan nahay maanta. Joojiya dagaalka oo Rabbi ka cabsada, Soomaaliyey isdaaya nabadu waa lama huraane.
    Soomaali waa hal keliya, waa umad wada dhalatay is daaya walaalayaal, ENOUGH IS ENOUGH. SOMALIA IS ONE, PEACE PEACE PEACE!

Post a Comment

Fadlan Aragtidaada Halkan ku Qor

Dalkayaga News