Saturday, May 22, 2010

Wararki ugu danbeeyey ee degmada Buuhoodle

Waxaa saaka degan guud ahaan xaaladda deegaanka Buuhoodle ee Gobolka Cayn halkaasi oo shalay dagaal xoogan uu ku dhex maray dadka deegaanka iyo ciidamo Itoobiyaan ah
oo la sheegay in ay u soo galeen xuduudka si ay u ilaaliyaan ammaanka doorashooyin lagu wado dhowaan in ay ka dhacdo wadanka Itoobiya.


Dagaalkii shalay ayaa waxa uu sababay in ay geeriyoodaan ku dhowaad 7-askari oo Itoobiyaan ah iyadoo Soomaalidii halkaasi ka dagaalantayna dhowr iyo toban ay ka geeriyoodeen halka kuwa kale oo aan tiradooda laheyninna ay ka dhaawacmeen.

Wararka saaka inaga soo gaaraya Buuhoodle ayaa sheegaya in xaaladdu ay degan tahay hayeeshee Itoobiyaanka ayaa keensaday Buuhoodle ciidamo aad u fara badan.

Dhinaca kale dadka deegaanka ayaa iyaguna ku maqan hub uruursi si ay ugala dagaalamaan halkaasi Ciidamada Itoobiyaanka oo gelinkii dambe ee shalay halkaasi ay kula dagaalameen oo ay waliba askar kaga dileen.

Iyadoo hub uruursi la isugu maqan yahay hadana waxaa lasoo sheegayaa in dad badan ay bilaabeen in ay barakacaan maadaama Itoobiyaanka ay ciidamo badan keensadeen, lamana garanayo xaaladda waxa ay ku dambeyn doonto.

Deegaannada lagu dagaalamay waxa ay ka kooban yihiin Gobolo u dhaxeeya Somaliland iyo Puntland isla markasina xadka kala wadaaga Itoobiya, waxaana isku heysta labadasi maamul iyadoo illaa iyo hadda aanu jirin cid si rasmi ah gacanta ugu heysa halkaasi marka laga reebo qabaa’il dhowaan sheegtay in halkaasi maamul ka madaxbanaan Somaliland iyo Puntland ay uga dhawaaqeen.

Dalkayaga@gmail.com

0 comments:

Post a Comment

Fadlan Aragtidaada Halkan ku Qor

Dalkayaga News