Thursday, May 13, 2010

War Deg Deg ah: Al Shabaab Iyo Xisbul Islam Oo Isku Hor fadhiyo Magaalada Xarardheete



Xiisada colaadeed oo u dhexeeya Ciidamo kalataabacsan Xisbul Islam iyo Al Shabaab ayaa laga dareemayaa magaaladaXarardheere gobalka Mudug oo dhawaan ka baxday gacanta kooxaga BurcadBadeeda ah.


Warar nagasoo gaaray Xarardheere waxay xaqiijinayaanin Gabaldhicii caawa lasoo gaba gabeeyay hareerayn ay ciidamada Xisbulislaam ku sameeyeen saraakiil katirsan Xarakada Al Shabaab oo saakamagaalada galay balse ciidan ladul dhigay.

Ciidan Gurmad ah oo Shabaab uga yimid dhankaG/gaduud ayaa magaalada Gilgilay waxayna ciidamada Xisbul islamhareerayntii ka qaadeen saraakiishii shabaab oo iyagoo ciidan watacaawa dacal ka jooga magaalada.

Maleeshiyaad beeleedyo lasafan xarakada Shabaab ayaaiyana magaalada dhinac kasoo galay xaaladuna aad ayay u xuntahay,beelaha Xarardheere degan waxay lakala safanyihiin labada dhinac waloowBurcad Badeedu aysan dhinacna la jirin.

Rasaas xoogan ayaa lasoo sheegayaa in ay ka socotomeel 50 KM ujirta Xarardheere halkaas waxaa isku helay laba qolo oo aanilaa iyo hadda la ogayn cidda ay yihiin, Xarardheere Barakac ayaagalabta ka bilaawday lama oga in shabaab iyo Xisbul islam ay magaaladaku kala baxayaan iyo in kale.

Indhawaytoba waxaa soo if baxayey khilaaf soo kala dhex galayey kooxahan diinta magaceeda ku gabbada oo markoodii hore isku ujeeddo ahaa laakiin aad iminka mooddo in ay xukun isku hayaan. Axmed Madoobe oo ahaan jiray ninka Xisb Slam u qaabilsan Jubbooyinka ayaa maanta iclaamiyey inuu ka baxay Xisbiga maaddaama ay taageeri waayeen inta oo dagaalka kula jiray Alshabaab.
Dalkayaga@gmail.com

0 comments:

Post a Comment

Fadlan Aragtidaada Halkan ku Qor

Dalkayaga News