Contact Form

Name

Email *

Message *

Friday, May 7, 2010

Wafdigii Ahlusuna ee ku sugnaa muqdisho oo gaaray gobalka galgaduud.

Waftigaani ayaa intii ay joogeen magaalada Muqdisho waxa ay kulamo kula yeelanayeen xubna ka tirsan Masuuliynta dowladda KMG ee Soomaaliya iyaga oo ka wada hadlayay fulinta heshiiskii ay dhawan ku wada Gaaaren magaalada Adis-ababa dowladda KMG ee soomaaliya iyo culuma’diinka Ahlusuna wajameeca

Shariif Xasan Sheekh Aadan ra’isal wasaara ku xugeenka dowladda KMG ee soomaaliya ahne wasiirka Maaliyada oo manta saxaafada kula hadlayay garoonka diyaaradaha Aadan Cade xili halkaasi u ka Sagootinayay waftigii ka socday Ahlusuna waljameeca ayaa waxa uu sheegay in wada hadalkii u dhaxeeyay Dowladda KMG iyo Ahlusuna waljameeca uu marayo meel gaban gaba ah isla markaasne dhawaan fulintiisu Ay bilaabi doonan.

Sheekh Maxamed Yuusuf oo ah gudoomiyaha fulinta ururka Ahlusuna waljameeca oo isaguna warbixin siiyay Saxaafada ayaa waxa uu sheegay in ay u gudbiyeen dowladda KMG ee soomaaliya wax yaalahii ay ku Heshiiyeen isla markaasne xaga dowlada laga sugayo filinta dhinaceeda sagootinta waftigaane aya dhinaca Dowladda KMG waxaa sii sagootiyay wasiiro iyo xubna ka tirsan baarlamaanka.
Waxaa ayna sheegayaan wararka aynu ka heleeno wariyayaasheena ku sugan gobalka galgaduud in Waftigaasi ay gaareen halkaasi waftiga Ahlusuna waljameeca ee maanta u anbabaxay gobal galduud oo Fadhigoodu uu yahay ayaa waxa halkaasi oga sii horeeya xubnahii Ahlusuna waljameeca wakiilka oga ahaa Wada hadaladii magaalada muqdisho oo ugu horeeyo gudoomiyaha guud ee culumada Ahlusuna waljameeca Kasoo dhawaan sheegay in uu bur buray wada hadaladii u dhaxeeyay dowladda KMG ee Soomaaliya iyo Culuma’diinka Ahlusuna waljameeca.

Hornafric

0 comments:

Post a Comment

Fadlan Aragtidaada Halkan ku Qor

Dalkayaga News