Contact Form

Name

Email *

Message *

Sunday, May 9, 2010

Wabiga Jubba Oo Fatahaad Khasaara Gaysatay


Wabiga Jubba ayaa fatahaad baahsan ka sameeyay degmooyin katirsan Gobalada Jubbooyinka oo bilihii lasoo dhaafay ay ka da'ayeen Roobab Mahiigaan ah oo ay ku diirsadeen dadka iyo duunyada.

Wararka nagasoo gaaraya magaalada Bu'aale ayaa xaqiijinaya in Wabigu uu si xun ugu fatahay dhul Beereed ay dalagyo kala gedisan ugu beernaayeen Beeralayda Gobalkaasi Jubbada Dhexe.
Gudoomiyaha degmada Bu'aale Sheekh Max'med Xasan Odawaa ayaa xaqiijiyay in Fatahaadda Wabiga ay saamaysay dhul beereed aad ubalaaran oo ay Dalagyo ku beernaayeen, gudoomiyaha ayaa xusay in Saakow iyo Jilib kamid yihiin meelaha Wabigu sida daran ugu fatahay.
Beero ku yaal 15 Tuulo oo katirsan Gobalada Jubbda Dhexe ayaa lasoo sheegayaa in ay gooyeen Biyaha Wabiga waxaana jira Khasaara Maaliyadeed oo ay lakulmeen beeralayda gobalkaasi.
Maamulka Gobalka ayaa sheegay in ay wadaan Dadaallo ay ugu gurmanayaan Shacab ay Biyaha Wabiga ka Barakiciyeen deegaanadii ay deganaayeen, Odawaa oo ah gudoomiyaha gobalka ayaa carrabka ku dhiftay in ay diyaariyeen Mara Kaneecooyin ay siin doonaan Dadka ku gurya beelay Fatahaadda Wabiga.

Sidoo kale Wabiga ayaa ku fatahay deegaanada Gosha Waqooyiga Kismaayo waxaana kamid ah meelaha uu Wabigu Karkaarka Jabsaday Sabguuni iyo Buula Gaduud oo biira ku yaal ay Biyaha Fatahaadda gooyeen.

Dalkayaga@gmail.com

0 comments:

Post a Comment

Fadlan Aragtidaada Halkan ku Qor

Dalkayaga News