Thursday, May 20, 2010

Shriif oo dib uga laabtay kala diristii Xukuumada

Shriif Shiikh Axmed ayaa maanta ka laabtay go'aankii uu ku kala diray Xukuuamdii R/wasaare cumar C/rashiid Sharmaarke.


War saxaafadeedka ka soo baxay Xafiiska Shiriif ayaa lagu sheegay in kadib markii uu ula tashday Sharciyaaqano uu dib uga noqday go'aankaas.

Hadaba war saxaafadeedka ayaa u qornaa sidan

  Sheikh Shiriif Sheikh Axmed markuu dib u eegay warsaxaafadeedkii May 2010 ee ku saabsanaa soo magacaabidda ra’iisul wasaare cusub, isaga oo ku saleeyay warqaddii uu soo gudbiyay guddoomiyihii hore ee baarlamaanka oo tilmaameysay in baarlamaanku uu kalsoonidii kala noqday xukuumadda.

Iyada oo ay caddahay in madaxa dawladda oo kaliya uu xaq u leeyahay soo magacaabidda ra’iisul wasaaraha, markii ay soo marto dariiqa sharciga ah.

Markii uu tix galiyay talooyinkii garyaqaannada iyo xildhibaannada oo muujinaya in habkii kalsooni kala noqoshada xukuumaddu aysan dhammeystirneyn qaab ahaan iyo qodob ahaanba.

Markuu tix galiyay xaaladaha iyo duruufaha adag ee uu dalku marayo, taas oo loo baahan yahay in looga gudbo midnimo wada jir iyo isku duubni, waxaa lagu wargalinayaa ra’iisul wasaaraha iyo xukuumadda in ay howlohoodii si caadi ah u wataan, xilkoodana si hufan u gutaan.

Dalkayaga@gmail.com

0 comments:

Post a Comment

Fadlan Aragtidaada Halkan ku Qor

Dalkayaga News